Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal ka dhacay garoonka Diyaaradaha Boosaaso oo laga celiyay …

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in goordhaw afaafka garoonka diyaaradaha ay ku dagaalameen Ciidanka PMPF ee gacanta ku haya garoonka diyaaradaha iyo Kuwa PSCF ee awoodda ku leh Boosaaso.

Ciidamadan dagaalamay ayaa lasoo sheegayaa in dagaalkooda salka ku hayo amarka garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso looga celiyay diyaarad ay la socotay ku-simaha Madaxweynaha Soomaaliya ahna guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee golaha shacabka.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada PSCF ayaa kasoo horjeeda in garoonka laga celiyo diyaarada ay la socoto guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee golaha Shacabka Xil-Sacdiya Yaasiin , halka ciidamada kale ee PMPF ay diidan yihiin in diyaarada soo degto.

Xaalad kacsanaan ah ayaa ka jirta magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, mana jirto ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay maamulka Puntland oo ku aadan diyaarada hawada laga celiyay iyo dagaalka dhacay.

Madaxweynaha Puntland iyo kuxigeenkiisa ayaa sidoo kale lasoo sheegayaa in ay isku khilaafsan yihiin safarka guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee golaha shacabka iyo diyaarada gargaarka wada ee la socoto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -