Muslimiin ku dhow Milyan oo maanta dul taagan Buurta Carafa (Daawo Sawiro)

Dad Muslimiin ah oo kor u dhaafaya hal milyan oo ruux ayaa maanta dul taagan Buurta loo yaqaano Carafa ee dalka Boqortooyada Sacuudiga, kuwaasoo ka kala yimid dalal aad u kala fog oo ku kala yaala caalamka Islaamka, iyagoo gudanaya rukniga ugu weyn waajibaadka Xajka.

Xajka oo ka mid ah shanta tiir ee asaaska u ah Islaamka ayaa sanad walba ka dhaca magaalooyinka barakeysan ee dalka Sacuudiga sida Maka Al Mukarama, Madiina Al-Munawara iyo kuwo kale, iyadoo Ma’suuliyiinta boqortooyada Sacuudiga Carabia ay sheegeen in sanadkan uu aad u yaraa dadka ku dhinta isbuurashada iyo dhibaatooyin kale oo dadku ay la kulmi jireen sanadihii hore ka dib markii la balaariyey dib u habeyna lagu sameeyey goobaha ugu badan ee dhibaatooyinka qaar ay ka dhici jireen.

Sacuudiga ayaa sanad walba waxay balaayiin dolar ku bixiyaa sidii ay qaabka ugu wanaagsan ugu gudan lahaayeen Xajka dadka faraha badan ee gudanaya waajibaadkaas diiniga ah, iyagoo u diyaariya gaadiid, meelo ay degaan iyo isbitaalo wareega oo la tacaalaya dadka xujeyda ah ee xanuunada deg deg ah ay ku dhacaan iyo adeegyo kale.

Kumanaan Ciidamo oo ammaanka ilaalinaya ayaa la dhigay goobaha barakeysan ee acmaasha xajka lagu gudanayo.

Dhowr kun oo Xujey Soomaali ah ayaa sanadkan ka qeyb galaya waajibaadka Xajka kuwaasoo ka kala yimid gudaha dalka iyo wadamada caalamka.

Maanta oo ku beegan maalinta Sagaalaadka bisha Dul-Xaj, ayaa waxaa sooman inta badan muslimiinta aan ka qaybgelin Xajka ee ku kala nool daafaha caalamka, waxayna Alle ka baryayaan inuu u dhaafo dambiyadii ay horay u galeen, iyadoo Maalinta beri ahna ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa oo dunida Islaamka oo dhan si weyn looga dabaaldego.

Xajka ayaa baaqday labadii sano ee la soo dhaafay ka dib markii uu saameyn ku yeeshay cudurka COViD 19 ee ku faafay caalamka oo dhan.

- Advertisement -