Shiinaha oo la sheegay in ay Doonayaan in Dayaxa xoog kula wareegaan

Dowladda Shiinaha ayaa sanadihii lasoo dhaafay sare u qaaday xawliga barnaamijkiisa hawada sare, waxaana hadda soo baxaya in Shiinaha doonayaan in mustaqbalka dhaw la wareegaan dayaxa.

Madaxa hay’adda hawada sare u qaabilsan Maraykanka ee NASA, Bill Nelson ayaa sheegay Shiinaha qorsheenayaan in ay la wareegto dayaxa, waxa uuna xusay in qorshahan Shiinaha ay qeyb ka tahay barnaamij milatari.

Dowladda Shiinaha ayaana si weyn uga carrootay ugana soo horjeesatay hadalkan kasoo yeeray hay’adda hawada sare u qaabilsan Maraykanka ee NASA , waxaana Shiinaha hadalkaasi ku tilmaantay mid aan laga fiirsan.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha, Zhao Lijian ayaa sheegay in dowladda Shiinaha si adag u diidan tahay ugana soo horjeedo hadalka masuuliyad darada ah ee kasoo yeeray maamulaha NASA Bill Nelson.

Dowladda Mareykanka ayaana si weyn uga walaacsan hamiga hawada sare ee dowladda Shiinaha, waxaana Mareykanka welwel badan ku abuuray sare u kaca dowladda Shiinaha ku sameeneyso barnaamijyada la xariira hawada sare.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -