Dayuurada Droneska ee (Bayraktar TP-2) oo lagu arkay hawada Muqdisho (Sawirro)

Hawada Magaladda Muqdisho ayaa galabta gabaldhacii waxaa lagu arkay Dayuurad Drones ah nooca casriga ah ee lagu farsameeyo dalka Turkiga (Bayraktar TP-2)

Wararka qaar ayaa sheegaya in dayuuradan ay ka soo duushay Saldhiga ciidanka Turkigu ku leeyihiin duleedka Muqdisho ee TurkiSom oo lagu Tababaro Ciidamadda Kumaandoska Gorgor.

Lama oga sababta loo soo kiciyey dayuuradan inkastoo ay ku soo beegantay xili Madaxweynaha Somalia Xassan Shiikh Maxamuud oo booqasho ku jooga dalka Turkiga uu maanta kulan la lahaa dhigiisa dalkaas Recep dayib Erdogan..

Siyaasiga Abdirahman Abdishakuur Warsame oo hadda ka tirsan Baarlamanka 11-aad ayaa horay ugu eedeyey Dawladii uu Madaxweynaha ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inay heshay dayuuradaas isagoo ka digay in si qaldan loo adeegsado.

Weli ma cadda in Turkigu dayuuradan gacanta u geliyey dawladda Soomaaliya iyo in weli ay gacanta ku hayaan ciidamada Turkiga ee jooga saldhiga Turkisom.

Dayuuradan ayaa ka mid ah noocyada ugu halista badan Dayuuradaha keligood iswada ee caalamka waxayna sabab u aheyd Guushii ciidamada Armenia ka gaareen dagaalkii ay la galeen Azerbaijan, iyo ciidamadii Itoobiya ee jebiyey falaagadii Tigray ee TPLF oo ku soo dhowaatay caasimada Addis ababa.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

 

- Advertisement -