AMB Ismaaciil Geesa cadde oo isku soo sharaxay Xildhibaanimo iyo Beeshiisa oo taageertay (Sawirro)

Waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasabad balaaran oo lagu taageerayay Ismaaciil Xasan Isaaq oo loo yaqaan AMB Ismaaciil Geesacadde oo isku soo sharaxay Xubinimada Xildhibaanimo ee Sanadkaan 2021-2025

Munaasabada lagu taageerayay AMB Ismaaciil Geesacadde ayaa waxaa ka qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada gaar ahaan beesha iska leh kursiga uu u tartamayo ee Beesha Reer Awsaciid/Dir

Dhamaan Waxgaradkii iyo dadkii kala duwanaa ee munaasabada ka hadlay ayaa soo dhaweeyay Musharaxnimada AMB Ismaaciil Geesacadde uu ku doonayo kursiga Xildhibaanimo ee beeshiisa, waxa ayna u muujiyeen taageero iyo garab istaag.

Musharax Xildhibaan AMB Ismaaciil Geesacadde oo ka hadlay munaasabada lagu taageerayay ayaa balan qaaday in wax badan oo muuqda u qaban doono dadka uu matalo iyo Qaranka Soomaaliya hadii uu ku guuleesto kursiga Xildhibaanimo uu u tartamao.

Musharaxan oo ah siyaasi saameyn badan wax badana kusoo dhax jiray dowlada Soomaaliya ayaa taageero badan ku dhax leh bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan beesha uu kasoo jeedo, waxaana si weyn loogu saadaaliyaa in uu kusoo bixi doono dooarshada Xildhibaanimo ee dhawaan dhaceyso…

- Advertisement -