Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mareykanka iyo Somalia oo yeeshay kulan xasaasi ah

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa kulan la yeeshay Danjiraha Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Mudane Richard H. Riley

Kulankan oo ka dhacay xarunta safarada Mareykanka ee ku taalla Xalane ayaa  waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo Iskaashiga labada dal, gaar ahaan taageerada ay Mareykanku siiyaan hey’adaha amniga dalka.

Wasiirka oo uga mahadceliyey taageerada Maraykanka ay siiyaan Soomaaliya ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo, iyada oo mudnaanta la siinayo tayeynta iyo tababarrada ciidanka, si ay u xaqiijiyaan in dalka laga xoreeyo argagixisada.

Dhankiisa, Danjire Richard ayaa sheegay in dowladdiisu ay sii xoojin doonto taageerada ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada amniga oo mudnaan gaar ah u leh dowladda.

Related posts

Col. Caare oo ciidamadiisii & hubkooda ku wareejiyey Maamulka Somaliland (Sawirro)

Caydiid Ali

RW Khayre oo booqday Safaarada Soomaaliya ku leedahay Magaalada Doxa (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweynaha Xasan Sheekh oo gushiisii kowaad gaaray….faahfaahin ?

admin
Taboola Ads ---