Ciidamada Booliiska oo Muqdisho ku qabtay hub iyo waxyaabaha maanka dooriya (Sawirro)

Ciidamada booliiska iyo kuwa Nabad Sugida ayaa xalay howlgal qorsheesan ka fuliyay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir, howlgalkan ayaa ahaa mid lagula dagaalamayay burcada hubeesan iyo waxyaabaha maanka dooriya.

Booliiska iyo NISA ayaana intii howlgalka socday gacanta ku dhigay kooxo burcad hubeesan, ciyaal weero iyo kooxo ka ganacsanayay waxyaabaha maanka dooriya, waxa ayna ciidamada sidoo kale gacanta ku dhigeen hub sharci darro ah.

Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliya Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in ciidamada intii howlgalka socday qabteen kooxo hubeesan, ciyaal weero iyo sidoo kale kooxaha ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya.

Waxa uu sheegay afhayeenka in waxyaabaha maanka dooriya sabab u yihiin falalka amni darro ee magaalada kusoo korortay, waxa uu sidoo kale ku celiyay in ciyaalka weerarada isku bedeleen gaangistaro dadka dhibaateeda.

Howlgalkan ciidamada bilaabeen ayuu sheegay afhayeenka ciidanka booliiska in uu sii socon doono inta amniga magaalada laga xasilinayo, waxa uuna shacabka ugu baaqay in ciidamada la shaqeeyaan oo soo siiyaan xogaha burcada iyo ciyaalka weerada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -