War Cusub: Donald Trump & Kim John Un oo markii ugu horeysay kulan fool ka fool ah yeelanaya

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa aqbalay inuu kulan fool ka fool ah la yeesho Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un

Arrintan lama filaanka ah ayaa waxaa shaaciyay sarkaal sare oo ka tirsan Kuuriyada Koonfureed oo hoggaaminayay wafdi dhawaan ka soo laabtay booqasho ay ku tageen dalka Kuuriyada Waqooyi, halkaas oo ay ka sideen fariin ah in hoggaamiyaha dalkaas Kim Jong Un uu diyaar u yahay in uu waanwaan la galo Maraykanka, islamarkaasna joojiyo kordhinta samaynta hubka Niyuklerka iyo tijaabada gantaalada.

Dadka siyaasada u dhuun duleela ayaa sheegay in horumarkan cusub ee soo kordhay ay ka dhalatay sanado badan oo dadaalo diblamaasiyadeed ay socdeen, isla markaasna aysan ahayn arrin si sahlan ku dhacday.

Trump ayaa sheegay in waxa dhacay ay yihiin horumar weyn oo soo kordhay, balse waxa uu sheegay in cunaqabataynta ay sii jiri doonto inta Kuuriyada Woqooyi ka fulineyso shuruudaha laga rabo.

Lama oga meel ay ku kulmayaan, balse waxaa loo malaynayaa in kulanka uu ka dhici karo aagga militariga ka caaggan ee u dhaxeeya labada Kuuriya, ama Shiinaha.

Dalkan ayaa muddo aad u dheer go’doon ka ahaa adduunka intiisa kale iyadoo sababtuna tahay ku xad gudub xuquuqda aadanaha ah oo caddeymo badan laga hayo iyo horumarinta barnaamijka hubka nuyuukleerka.

Labada nin oo bilihii lasoo dhaafay hawada isu mariyay hadalo kulkulul ayaa laga wardhawri doonaa kulankood oo noqoya kii ugu horeeyay oo dhexmara labo hoggaamiye oo Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ka kala socda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -