Dugsiga Al Xusari oo Wargelin Muhiim ah u haya Qurbo joogta Soomaaliyeed

Dugsiga barashada quraanka ee Al-xusari qu’ran teaching, waa dugsi lagu barto quraanka iyo culuumtiisa qaab online ah.

Dusigu wuxu awooda saarayaa in qofka laga dhiso wax kasta oo qofka u sahlaya in uu xifdiyo kitaabka rabi, sida barashada higaada , akhriska iyo qoraalka carabiga, barashada ducooyinka iyo dhamaan culuumta diiniga ah.

Sidoo kale waxa laga saxayaa dhawaqa xuruufta, iyadoo quraankana loogu dhigayo tajwiid iyo tasxiix.

Dugsigu wuxu qofka ama qoysaska siinayaa waxkhti ku filan kaas oo ay ku fahmi karaan barashada quraanka una fududaynaya in ay xifdiyaan.

Dugsiga waxa lagugu bari doonaa:

  1. Quranka karimka
  2. Higaada carabiga
  3. Akhrinta carabiga
  4. Ducooyinka
  5. Xadiis
  6. Afsoomaaliga

Dugsiga waxa dhigta arday wadamo kale duwan joogta.

Waxa uu dugsigu ugu bushaaraynayaa dadwaynaha soomaaliyeed ee jecel barashada qur’aanka in uu qaadanayo arday cusub.

Wixii faahfaahin ah nagala soo xidhiidh.

Skype name: Al-xusari Quran Teaching

Whatsapp: +252634739046

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -