Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Xassan Shiikh oo la kulmay wafdi culus oo ka socday Dowlada Mareykanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyada Maraykanka ee Arrimaha argagixisada iyo ka hortagga maalgelintooda Mudane Brian Nelson ayaa soo bandhigay tallaabooyina dowladda Soomaaliya ay ku wiiqday dakhliga iyo dhaqaalaha Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xeerarka iyo shuruucda  loo jideeyey cunaqabateynta maaliyadeed ee argagixisada iyo tallaabooyinka sirdoon ee lagu burburiyey ilaha-dhaqaale ee ay ku tiirsanaayeen ay soo dedejisay guulaha laga gaaray furimaha dagaalka iyo xoreynta gobolada dalka qaarkood.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kala hadlay Kuxigeenka Xoghayaha Maaliyada Maraykanka ee Arrimaha argagixisada iyo ka hortagga maalgelintooda Brian Nelson iskaashiga Soomaaliya iyo Maraykanka ee cunaqabateynta maaliyadeed ee argagixisada, doorka ay ka qaadanayaan wajiga Labaad ee howlgalka dalka lagaga xoreynayo al-shabaab iyo hormarka laga sameeyay barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya.

Dhankiisa, Brian Nelson ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha soo dhaweynta iyo kulanka ay yeesheen, waxa uuna sheegay in nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay aas-aas u tahay nabadda Gobolka iyo Adduunka, sidaas daradeed ay ka go’antahay dalkiisa in ay ka gacan siiyaan dowladda Soomaaliya ka hortaga lacagaha sharicdarada iyo ladagaallanka argagixisada.

Related posts

Qorshaha safarka Madaxwayne Farmaajo ee JABUUTI iyo loolan ka dhex oogan beesha Caalamka iyo Maamulka Jubbaland

admin

Musharaxiin Soomaali ah oo u tartamaya doorashada Xubnaha Baarlamanka Sweden

Caydiid Ali

Tirada dadka shacabka ah ee ku dhintay dagaalka ka socda Sudan oo la Shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---