Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada: sida ay ahaan jirtay Goobtii uu ka dhacay Qaraxii Beyrut iyo sida hada noqotay

Magaalada Beyruut ee caasimada dalka Lubnaan waxaa dhawaan ka dhacay qarax weyn oo gil gilay magaaladaasi ayna ku dhinteen dad ka badan 130-qof sidoo kale ku dhaawacmeen dad ku dhaw 5-kun oo qof.

Qaraxan ayaa sababay in ay bur burto dekadda weyn ee magaalada Beyruut, qaraxan ayaa sidoo kale bur buriyay qeybo badan oo kamid ah magaalada gaar ahaan dhismayaal waa weyn.

Muuqaalo iyo sawirro lasoo dhigay ayaa muujinaya farqiga weyn ee u dhaxeeya magaalada Beyruut gaar ahaan aaga qaraxa ka dhacay sidii markii hore aheyd iyo sida hada muuqaalka goobtaasi isku bedelay.

Qaraxa ayaana bur buriyay dhismayaal waa weyn oo isugu jiray kuwa ganacsi iyo kuwa deegaan, waxaa sidoo kale qaraxa ku bur buray masaajidyo iyo kaniisado kuyaalay aaga qaraxa ka dhacay.

 

Related posts

Ciidamada AMISOM oo maanta dilay labo askari iyo qof kale oo shacab ah

Cabdi Cade

Q/Midoobay oo Bilyan Dollar u dalbatay wax ka qabashada abaaraha Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali

Boqortooyada Sacuudiga oo taageero 400 oo milyan oo dollar u ballanqaaday Ukraine

Cabdi Cade
Taboola Ads ---