Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in saakay dad shacab ah ku dileen deegaanka Siinka Dheer ee duleedka magaalada Muqdisho, kadib markii ciidankan isku dayeen in xoog ku bur buriyaan dhul dad shacab ah degan yihiin.
Dadka Deegaanka oo Warbaahinta lasoo xiriiray ayaa sheegay in Ciidamo booliis ah oo laga soo diray saldhiga galbeed ee Xamar saakay damceyn in dad shacab ah xooga uga bur buriyaan guro kuyaala dhul uu lahaanshihiisu muran uu ka jiro.
Dadka deegaanka oo ka careesnaa in dhulka xoog looga saaro ayaa la sheegay in ay isku dhaceen ciidanka booliiska, waxaana halkaasi ka dhacay rabshado keenay dhimasho iyo dhaawac.
Oday Goob jooge ahaa ayaa sheegay rasaas ay fureen ciidanka booliiska in ay ku dhinteen labo haween ah halka labo qof oo kalana ku dhaawacmeen, waxa uuna intaa raaciyay in booliiska sidoo kale dad kale xir xireen kana tageen goobta rabshado ka dhacday.
Taliska Booliiska ayaan wali ka hadlin dhacdadan lagu eedeeyay ciidankooda, lamana oga cida iska leh dhulka muranka ka dhashay lahaanshihiisa ee maanta sababay in ciidanka booliiska u dilaan dad shacab ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.comÂ