Turkiga oo qaaday talaabo ka dhan ah Ruushka ka dib culeys kaga yimid Mareykanka

Turkiga ayaa xiray xiriirkii iyo wada shaqeyntii uu la lahaa bankiyada Moscow, iyada oo la xaqiijiyey in saddexda banki ee ugu dambeysa ee weli aqbala kaararka lacagta ee Mir ee Ruushka ay joojinayaan kadib cadaadis ka yimid Mareykanka

Mir waa adeeg Ruushka u sameeyey inuu beddel u noqdo adeegyada Visa iyo Mastercard ee caalamiga ah. Labadan shirkad ayaa ka joojiyey inay adeegsadaan bankiyada Ruushka kadib duulaankii Ukraine.

Go’aanka bankiyada Turkey ayaa yimid kadib toddobaadyo diginin cad ah oo Mareykanka uu ugu jeedinayey Turkey, oo ay xulufo ku yihiin NATO, inay xadido xiriirka dhaqaale ee kala dhaxeeya Ruushka ama wajahdo halista cunaqabatayn.

Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa toddobaadkii tegay sheegtay in bankiyada Turkish-ka ee la shaqeynaya kaararka lacagta ee bankiga Mir ee Ruushka ay halis ugu jiraan inay taageeraan dadaallada Ruushka uu kaga baxsanayo cunaqabataynada.

Laba banki oo Turkish ah oo gaar loo leeyahay oo billaabay inay aqbalaan kaararka Mir kadib markii uu madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan uu bishii August la kulmay dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin, ayaa joojiyey.

Hase yeeshee saddex banki oo dowladda ay leedahay oo kala ah — Halkbank, Vakifbank and Ziraatbank — ayaa weli la shaqeynayey kaararka Mir.

Sarkaal sare oo Turkish ah ma sheegin xilliga ay dadka Ruushka awoodi doonin inay kaararkooda ku isticmaalaan Turkiga.

Saddexda banki weli waxay weli ku howlan yihiin bixinta lacagaha taagaan, balse waxay gooyeen taariikh ay ku joojinayaan,” ayuu yiri sarkaalka oo codsaday inaan la magacaabin sababo la xiriira in saddexda banki aysan weli si rasmi ah ugu dhowaaqin.

Ganacsiga Turkey kala dhaxeeya Ruuska oo bulaalay toddobadii bil ee uu socday dagaalka Ukraine ayaa aad uga careysiiyey Washington.

Turkey ayaa isku dayday inay dhex-dhexaad ka noqoto dagaalka Ukraine waxayna diiday inay ku biirto cunaqabataynta Reer Galbeedka ee ka dhanka ah Ruushka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -