Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Gudoonka labada Aqal oo guddi u saaray baaritaanka xisaab xirka Miisaaniyada dowladii hore

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay Guddiga daba-galka & xaqiiqa raadinta xisaab xirka miisaaniyadii 4tii sano ee u dambeysay. 2018, 2019, 2020, 2021.

Xubnaha la magacaabay oo ka kooban 7 xubnood oo ah isku dhaf labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa kala ah:-

  1. Senator Cabdixakiin Macalin Axmed
  2. Senator Siciid Cabdi Xuseen Cawke
  3. Xildhibaan Saciid Maxamed Cali

4.Xildhiban Max’uud C/raxmaan Beene-beene

  1. Xildhiban Cabdirahman Cadde Caddow
  2. Xildhibaan Saadaq Cabdullaahi Cabdi
  3. Xildhibaan Cabdiqafaar Cilmi Xaange

Xisaab xirka Miisaaniyadda afartii sano ee la soo dhaafay ayaan la horkeenin Labada Gole ee Baarlamaanka, si loo ogaado cida leh mas’uuliyadda arrintaas Wasaaradda Maaliyadda iyo Guddoonkii hore ee Golaha Shacabka.

Wasiirka Maaliyadda Somalia Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle oo wax laga weydiiyey xisaab xirka miisaaniyada afarta sano ayaa ku adkeystay inuu u soo gudbiyey gudoonkii hore ee Baarlamanka.

 

Related posts

Madaxweyne Deni oo weerar afka ah ku qaaday Golaha Midowga Musharaxiinta

Cabdi Cade

Akhriso: War Murtiyeed ka soo baxay shirkii amniga Somalia ee ka socday New York

Caydiid Ali

Qaabkii uu u dhacay dilkii Jamal Khashoggi oo lasoo bandhigayo iyo Sacuudiga oo …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---