Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweyne Deni oo weerar afka ah ku qaaday Golaha Midowga Musharaxiinta

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo xalay khudbad ka jeediyay munaasbad lagu xusayay sanadguurada saddexaad ee doorashadii Madaxweyne Lafta gareen ayaa ka hadlay arimaha doorashada iyo baaq kasoo baxay Musharaxiinta.

Siciid Deni ayaa kasoo horjeestay baaq dhawaan kasoo yeeray golaha midowga Musharaxiinta oo ku aadanaa in kulan la isugu yimaado si loo dhiso golle Badbaado qaran oo dalka bad baadiya.

Madaxweynaha Puntland ayaana ka digay baaqa midowga musharaxiinta ee ku aadan in golle cusub la dhiso, waxa uuna ku tilmaamay kuwa mar kale ku baaqaya in golle la dhiso in ay doonayaan in dib loogu laabto  teendhada Carta .

“Kuwa dhahaya nidaamkan ha la iska daayo oo Golayaal hala sameeyo waa dad raba in ay Teendhadii Carta dalkan ku celiyaan waana Khatar. Fikirkaas anigu wan ka digayaa” ayuu yiri Siciid deni.

Hadalkan kasoo yeeray Madaxweyne Deni ayaa niyad jab ku ah gollaha Midowga musharaxiinta oo horey xiriir uga dhaxeeyay, waxaana hada musharaxiinta lumiyeen labadii maamul ee Puntland iyo Jubbaland ay xulufada hoose lahaayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Meydadka Israa’iiliyiin ay Xamaas heesteen oo la helay iyo tirada dadka la qafaashay oo…

Cabdi Cade

(Sawirro) DF oo ku adkeysatay qorshaha dhismaha Hirshabelle & Cali Guudlaawe oo..

Caydiid Ali

Tahriibayaal ku sii jeeday Yurub oo ku geeriyooday Badda Mediterranean

Caydiid Ali
Taboola Ads ---