Allbanaadir.com
NEWS

R/W Rooble oo kormeer ku tagay xero Milatari oo ay maamusho dowlada Ingiriiska (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray qeybta lixdamaad ee Ciidanka Xoogga dalka iyo Dugsiga tababarka Ciidanka Xoogga Dalka ee ay maamusho dowladda Ingiriiska.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa warbixinno ku saabsan qaabka iyo noocyada tababarrada ay bixiyaan ka dhageystay saraakiisha maamusha xerada. waxuuna uga mahadceliyey taageerada ay la garab taagan yihiin dowladda, gaar ahaan dhismaha ciidamadda qaranka.

Mudane Rooble ayaa kormeeray xarunta qeybta lixdamaad ee Ciidanka Xoogga dalka, isagoo warbixin ka dhageystay Taliyaha qeybta.

“Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed waa naftood hurayaal u taagan difaaca dalkooda, qof walba oo Soomaaliyeed waxuu ku jiifo waa dhiigiina aad huraysaan, waaan idin leeyahay hambalyo, anaguna waan idinku garab taagannahay mar walba sidii aad dalkaan uga saari lahaydeen argagixisada”.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee xarunta Ciidanka Xoogga dalka ee qeybta lixdanaad oo dhowaan dib-u-dhis iyo qalabayn lagu sameeyey, waxuna ku boggaadiyey saraakiishii uu kula kulmay howlaha muhiimka ah ee ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday dhaawacyada ciidanka ee ku wax yeeloobay dagaallada ay kula jiraan kooxaha argagixisada ah, isagoo Alle uga baryey inuu siiyo caafimaad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nabadoon Cabdulle Macalin oo Muqdisho ku geeriyooday iyo Masuuliyiin ka tacsiyeesay

Cabdi Cade

Ururka Xamaas oo go’aan deg deg ah ka soo saaray Maxaabiista uu gacanta ku hayo

Caydiid Ali

(Sawirro) Toogasho dad lagu dilay oo ka dhacday Magaalada Toronto ee dalka Canada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---