Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DEG DEG: Xassan Shiikh oo shaaciyey in laga helay cudurka COVID-19

Madaxweynaha Somalia Xassan Shiikh Maxamuud ayaa shaaciyey in laga helay cudurka COVID-19 intii uu ku sugnaa dalka Imaaraadka.

Xassan Shiikh ayaa qoraal uu arrintaas ku xaqiijiyey soo dhigay bartiisa facebook wax yar ka dib markii uu ka soo laabtay dalka Imaaraadka.

Madaxweynaha waxuu sheegay inuusan isku arkin wax calaamado ah uuna caafimaad qabo siina wadi doono shaqada uu hayo.

Sidoo kale Warar todobaadkan soo baxay ayaa sheegayay in xubno ka mid ahaa wafdiga Madaxweynaha ee booqashada ku joogay dalka Imaaraadka laga helay Cudurka COVID-19, lana karantiilay.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA MADAXWEYNAHA

———————————————————-

Waxaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee sharafta leh la wadaaggayaa in baaritaanno la igu sameeyay maanta lagu xaqiijiyay in la iga helay COVID-19.

Intaas waxaa dheer, inaan caafimaad qabo oo aan sii wadi doono shaqada aan u hayo qaranka iyo umadda Soomaaliyeed aniga oo raacaya habraacyada caafimaad ee la xariira Covid-19.

Waad ku mahadsantihiin ducadiinna iyo garab-istaaggiinna.

Allaa mahad leh.

————————————————–

Related posts

Wasiir Sabriye & wafdi uu horkacayo oo dibeda u dhoofay & Xog ku aadan ujeedka safarkooda

Caydiid Ali

Isbedel lagu sameynayo hanaanka doorashada dalka & Sacuudiga oo damacsan..

Caydiid Ali

Dowladda Somalia gacanta ku dhigtay shabakad ka dambeysay Weerarkii Hotelka SYL

Caydiid Ali
Taboola Ads ---