Allbanaadir.com
NEWS

Xulka France oo ku guuleystay Koobka Adduunka iyo dabaaldegyo ka socda Paris (Daawo Sawirro)

Xulka Faransiiska ayaa noqday horyaalka kubada Cagta adduunka, kadib markii uu ciyaartii kama danbeysta ah ee finaalka uu goor dhoweyd ka badiyey xulka Croatia.

Ciyaarta oo goolal badan la iska dhaliyay ayaa ku soo dhammaatay 4 -2 oo guushu ku raacday xulka Faransiiska.

Waxaa dabaaldeg uu ka bilowday Garoonka ciyaartu ka dhaceysay, iyadoo kumanaan shacab ah ay isugu soo baxeen magaalada Paris iyo magaalooyinka kale ee Faransiiska.

Waa markii labaad taariikhda oo dalka Faransiiska uu ku guuleysto koobka adduunka, sanadkii 1998 oo 20 sano laga joogo ayey aheyd markii ugu horeysay ee faransiisku ku guuleysto koobkan.

Madaxweynaha faransiiska Emmanuel Macron ayaa ka qeyb galay daawashada ciyaarta finalka ah, waxaana la arkayey macron oo si xamaasad leh u taageeraya kooxdiisa sida ka muuqata sawirada hoose.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Magaaladii uu ka soo bilowday Coronavirus oo xanibaada laga qafiifiyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Taalibaan oo loo diiday Diyaarado Dagaal oo Afganistan laheyd iyo Mareykanka oo la wareegaya

Cabdi Cade

Xaashi Cumar oo 19-Sanno u xirnaa Talyaaniga oo maanta lagu dilay Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---