Allbanaadir.com
NEWS

Muungaab oo soo bandhigay qorshaha hortabinta u leh 100 ka maalmood ee soo socda

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞 𝐌𝐮𝐮𝐧𝐠𝐚𝐚𝐛 𝐨𝐨 𝐬𝐨𝐨 𝐛𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐪𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐡𝐨𝐫𝐭𝐚𝐛𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐮 𝐥𝐞𝐡 𝟏𝟎𝟎-𝐦𝐚𝐚𝐥𝐦𝐨𝐨𝐝 𝐞𝐞 𝐬𝐨𝐨 𝐚𝐚𝐝𝐚𝐧.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo xalay la wareegay xafiiska Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa ugu horeyn u mahadceliyay Madaxweynaha JFS Dr Xasan Shiikh Maxamuud oo mar kale u Magacaaabay Xilka Guddoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, asigoona sheegay in uu fulin doonno tilmaamaha iyo dardaarankiisa ku aadan horumarinta Magaala Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Magacaabistiisa ay ku soo aadeyso xilli ay Magaala Madaxda wajahayso Caqabado waawayn sida bur-burka Waddooyinka, Nadaafadda oo liidata, Biyo Mareenada oo bur-bursan, Korrimada caasimadda ee aan lahayn Qorshe Magaalo, Arrimaha Caddeynta Maqaamka Caasimadda iyo Matalaadda G/Banaadir oo weli aan la dhamaystirin, bixinta adeegyada bulshada oo tiro iyo tayo ahaanba hooseeysa, Nidaamka aruurinta Canshuuraha & Khidmadaha oo hagaajin iyo casriyeeyn u baahan, cabashada Muwaadiniinta ku dhaqan caasimadda oo aan intooda badan laga jawaabin, isku xerka Bulshada iyo Laamaha Amniga iyo culeesyo kale oo u baahan xal waara iyo wada jir in lagu wajaho.

Waxa uu xusay in uu kalsooni buuxda ku qabo arigtida hogaamineed ee Hawlwadeenada Maamulka G/Banaadir iyo wada shaqyanta dhammaan hey’adaha Dawladda, Ganacsatada iyo Hogaamiyaasha Bulshada qaybahooda kala duwan, isla markaana loo baahan yahay in ay kaalin weyn ka geystaan hirgelinta ahdaafta Horumarinayd ee Caasimadda, iyadoo lagu shaqeenayo mabda’a ah “HAWL IYO HUFNAAN oo sal looga dhigayo isku-tashi iyo isku-filnaan, si loo gaaro Magaalo Nabad ah, is-doorata, Lagu dhanyahay, lehna awood soo Kabasho iyo waaritaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa sheegay in xilligaan dhaw ee ku siman 100 ka maalin ee ugu horeyso, uu si gaar ah xoogga u saari doonno arrimaha soo socda:-

1. Dardargalinta Wacyigelinta bulshada Gobolka si sare loogu qaado fahamka bulshada ee la xiriira ahmiyadda ay leedahay doorashada tooska ah iyo matalaadda si ay kor ugu kacdo tirada is-diiwangalinta cod-bixiyaasha doorashooyinka.

2. Xoojinta Amniga iyo Nabad-galyada Gobolka Banaadir anigoo dib u hawlgali doono Guddigii Amniga Gobolka kaas oo qaadan doono doorkiisa ah jihaynta, xiriirinta iyo kor joogtaynta hawlaha amni sugidda iyo horumarinta adeegyada Garsoorka ee Gobolka Banaadir.

3. Si loo xoojiyo kaalinta Bulshada ee amniga, waxaan Taaba gelin doonaa barnaamij Darisayn oo loo daadajiyomin Degmo ilaa 10 tireye, sidoo kalane waxaan adkayn doonaa amniga Xeyndaabka Caasimadda.

4. Taageeridda iyo garab istaagga Hawlgallada dib u xoraynta Dalka ee la dagaalanka Khawaarijta si looga sifeeyo guud ahaan dalka.

5. Si waafaqsan sharciga Shaqaalaha D/Hoose Lr 28 Biis ee soo baxay 21 kii Feb, 1976 iyo sharciyada kale ee khuseeya Maamulka Maaliyadda iyo Dhulalka, Waxaan Dib u habayn ballaaran ku samayn doonaa Nidaamka Dakhli aruurinta, Kharash bixinta, Maamulka Shaqaalaha & Dhulka iyo xoojinta Hanti-dhawrka Gudaha si kor loogu qaado maamul wanaagga, tayada adeegyada D/Hoose,Waxqabadka maamulka iyo kalsoonidda ay Muwaadiniinta ku qabaan adeegyada D/Hoose.

6. Hawlaha Nadaafadda Caasimadda ayaan si deg deg ah wax uga qaban doonnaa annagoo soo saari doono xeer hoosaad hagaya hawlaha nadaafadda guud iyo maaraynta khashinka, xoojinaynana awoodda maamulka, dib u eegis iyo la xisaabtan na ku samayn-doonno Shirkadaha bah-wadaagta kula ah Maamulka G/Banaadir dhinaca adeegyada Nadaafadda Caasimadda iyo in aan daah-furi doonnoo Barnaamijka ABAAL MARINTA DEGMO, oo waxyaabaha aan ku qiimayn doonno Degmooyinka ay ka mid tahay Nadaafadda Degmada.

7. Waxaan sidoo kale ka hawlagli doonaa Dib u dayactirka Wadooyinka ku bur-buray Roobabka iyo Dib u soo noolaynta Mashruuca Nalaynta Caaasimadda.

Guddoomiye Muungaab ayaa sidoo kale sheegay in uu xooga saari doonno Horumarinta Adeegyada bulshada sida Caafimaadka, Waxbarashada, Ciyaaraha, Nadaafadda, bilicda, Cagaarinta Caasimadda, Adeegyada gurmadka deg-degga ah, gar-gaarka bani-aadanimada iyo xal ka gaarista barakacyaasha, diyaarinta Qorshe Magaalo oo biloow u noqda in xal waara laga gaaro dib u dhiska Wadooyinka, Buundooyinka, Bullaacadaha, biyo Mareenada iyo dib u naqshadaynta kaabayasha jidadka si loo sahlo isku socodka gaadiidka iyo bad-qabka dadweynaha, iyadoo la kaashan doono Xukuumadda Fadaraalka ee uu hogamiyo Ra’isul Wasaare Xamza Cabdi Bare, Ganacsatada, khubarada Dalka iyo bahwadaagta kale ee taageerta Soomaaliya.

Waxa uu balan qaaday in uu xooga saari doonni; Amniga, Nabadda Caasimadda, Taageera siinta Hawlgalka Dagaalka Ka dhanka ah Khawaarijta, Gacan siinta Guddiga Doorashooyinka Qaranka si uu kaalin taageero ugu qaato qabsoomidda Doorashooyinka Tooska ah ee ka dhacaya G/Banaadir, Xoojinta Caddaaladda Bulshada iyadoo lala shaqeenaayo hey’adaha Garsoorka heerarkooda kala duwan.

Si loola dagaalo saboolnimada iyo shaqa la’aanta dhalinyarada, Waxaana dhiiragelin loo sameyn doonaa Ganacsiga yar yarka ah, Waxbarashada Farsamada Gacanta, abuurista mashaariic horumarineed iyo Maalgashiga si Caasimadda ay u suuragaliso fursado shaqo oo ay helaan dhalinyarada Soomaaliyeed ugana badbaadaan khatarta tahriibka iyo khataraha kale ee marin habaabineed ee kooxaha Khawaarijta.

Awood siinta iyo la tashiga guud ahaan bulshada qaybaheeda, iyadoo udub dhexaad loogu dhigi doono talada iyo dadaalada horumarinta Gobolka iyo Caasimadda, lana xoojin doonno dib u soo noolaynta xiriirka iskaashi ee Magaalooyinka Caalamka iyo Muqdisho, iyo sidoo kale saaxiibada Soomaaliya taageera si ay gacan nooga siiyaan ka guul gaarista ahdaafteena horumarineed ee Caasimadda Dalka.

—𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃—

Related posts

Goob uu salaada Ciida ku tukanayey Madaxweyne caan ah oo la duqeeyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminayo oo goordhaw gaaray Jowhar

Cabdi Cade

Somaliland Aqoonsi Ma Ku Heli Doontaa Walwalka Mareykanka uu Ka Qabo Shiinaha ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---