Weerar Dad ka badan 200-qof oo Amxaaro ah lagu laayay oo ka dhacay gobolka Oromiya

Dalka Itoobiya gaar ahaan gobolka Oromiya waxaa ka dhacay weerar lagu laayay dad badan oo kasoo jeeda qowmiyada Amxaarada, waxaana weerarkan siyaabo kala duwan uga hadlay maamulka Oromiya iyo jabhada OLA.

Weerarkan ayaa lagu beegsaday dad kasoo jeeda qowmiyada Amxaarada, waxaana goobjoogayaal sheegeen in weerarka lagu dilay dad ka badan 230-qof oo kasoo jeeda qowmiyada Amxaarada.

“Waxaan tiriyay 230 mayd, waxaan ka baqayaa in kani uu yahay weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhanka ah dadka rayidka ah ee aan aragno inta aan nool nahay, waxaan ku aaseynaa xabaalo wadareedyo, waxaana wali wadnaa aruurinta meydadka, waxaa hadda soo gaaray cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda Federaalka, balse waxaan ka baqeynaa in weeraradu sii socdaan haddii ay baxaan” ayuu yiri Abdul-Seid Tahir oo weerarka ka badbaaday.

Weerarkan ayaa masuuliyiin maamulka gobolka Oromiya waxa ay eedeeyeen in ay ka dambeeyeen jabhada gobolka Oromiyada ka dagaalanta ee OLA, waxaana weerarkan uu ahaa mid si gaar ah loogu beegsaday Amxaarada.

Dhinaca kale afhayeen u hadlay jabhada OLA ayaa beenisay in iyagu ka dambeeyeen weerarka lagu laayay dadka Amxaarada, waxa ayna ku eedeeyeen weerarkaasi in ay ka dambeeyeen ciidamada dowlad deegaanka Oromiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -