Dil goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa goordhaw agagaarka Isgooska Warshada Caanaha ee magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen askari katirsanaa ciidanka dowlada gaar ahaan kuwa ilaalada wadooyinka ee loo yaqaan Taraafik.

Askariga ayaa la sheegay in xiliga la dilayay shaqo ku jiray, waxaana dilka kadib goobta si deg deg ah uga baxsaday kooxdii hubeesneed, waxaana goobta dilku ka dhacay soo gaaray ciidamo katirsan dowlada oo goobta ka qaaday meydka askariga la dilay.

Dilalka qorsheesan ee loo geesanayo askarta iyo dadka shacabka ah ayaa kusoo kordhaya magaalada Muqdisho, waxaa shalay subax degmada Hodan lagu dilay haweeney katirsaneyd ciidanka dowlada.

Laamaha amaanka ayaan wali ka hadlin dilalka iyo qaraxyada mudooyinkii dambe ku yaraa magaalada MUqdisho ee dib ugu soo laabtay, waxaana falalkan amaan daro dhacayaan xili ciidamo badan ka howlgalayana gudaha Muqdisho .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -