Maxkamad xukun ku riday Shan nin oo xabsi dhaxdiisa ku dilay Sharmaarke Warsame Nuux

Maxkamadda Darajada 1aad ee Magaalada Qardho ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa maanta xukun ku riday shan nin oo loo heestay in gudaha xabsiga Qardho dil ugu geesteen wiil dhallinyaro ah oo kamid ahaa maxaabiista xabsiga ku xirnaa.

Sharmaarke Warsame Nuux oo kamid ahaa maxaabiis ku xirnaa xabsiga Qardho ayaa waxaa jir dil xoogan oo sababtay markii dambe in uu geeriyoodo bishii may ee sannadkan u geestay shan nin oo iyana kamid ahaa maxaabiista xabsiga ku xirneed  .

Garsooraha maxkamada magaalada Qardho ee kiiska dilka ah gacanta ku heesay ayaa sheegay in shanta nin ee dilka lagu soo eedeeyay ay qirteen in ay qeyb ka ahaayeen dilka Sharmaarke Warsame Nuux .

Waxa uu sheegay garsooraha in dilkan qaabka uu u dhacay u ahaa kas u eke  sidaa darteed ay ka qafiifiyeen xukunka dambiilayaasha oo lagu riday xukun saddex sanno oo xabsi ah midkiiba iyo in ay bixiyaan diyada marxuumka oo ah 100-halaad oo geel ah.

Ehelada marxuumka la dilay ayaa dhankooda racfaan ka qaatay xukunkan ay maanta riday maxkamada magaalada Qardho, waxa ayna ehelada caddaalad daro ku tilmaameen xukunka lagu riday raga dilka u geestay wiilkooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -