Dal 24 saac cudurka COVID-19 uu ku dilay dad ka badan labo kun oo qof (Sawirro)

Isbitaalada dalka Hindiya waxaa buux dhaafiyey bukaanada uu soo ritay fayraska Corona, ayadoo Isbitaaladu ay ku yaryihiin qalabka bukaannada ka caawiya neefsashada ee Ogsijiinta.

Ku dhawaad 4 boqol oo kun oo qof ayaa jimcihii oo kaliya uu soo ritay xanuunku halka dad kor u dhaafaya 2 kun ay u dhinteen afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay.

Dalka Hindiya ayaa ka mid ah dalalka uu sida weyn uu u saameeyey mowjadda labaad ee Covid-19. Gobolka Varanasi, oo ah gobolka laga soo doorto Ra’isal wasaare Narendra Modi ayaa ka mid ah gobollada sida weyn ula daalaa dhacaya cudurka.

Baraha bulshadana waxaa qabsaday qayladhaan la xiriirta baahida loo qabo qalabka neefsiga ama Oxygen, qalbka caawiyo bukaannada xaaladaha aadka u liita ku jira (ICU), sariira bukaannada la jiifiyo iyo dawooyinka bukaannada lagu badbaadiyo maadaamaa mowjadda labaad ee cudurka uu dalkaasi si weyn u saameeyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -