Dhaxal-sugaha Sacuudiga oo Booqasho si weyn loo hadal hayo ku tagaya dalka Turkiga

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan ayaa booqasho si weyn u hadal hayaan Warbaahinta caalamka ku tagaya dhawwaan dalka Turkiga , waxaana Amiirka u bilowday maanta safar uu dalal dhoor ah uu ku marayo.

Maxamed Bin Salman ayaa lagu wadaa in 22-ka bishan June booqasho ku tago dalka Turkiga, waxa uuna dalkaasi kula kulmi doonaa Madaxweynaha dalkaasi Rejeb Dayib Erdogan uu kala hadli doono arrimo badan oo labada dal quseeya.

Booqashada Amiirka Boqortooyada Sacuudiga ku tagayo dalka Turkiga ayaa noqoneysa tii ugu horeesay uu dalkaasi ku tago tan iyo waxii ka dambeeyay dilkii foosha xumaa ee gudaha Qunsuliyada Sacuudiga loogu geestay Wariye Jamal Khashogji.

Warbaahinta caalamka ayaa si weyn u hadal haya booqashada turkiga ku tagayo Maxamed Bin Salman oo lagu tuhmayo in isagu amray dilkii foosha xumaa ee loo geestay Wariye Jamal Khashogji oo si w eyn uga soo horjeeday hab maamulka Amiirka iyo qoyskiisa.

Booqashada Amiirka Sacuudiga ku tagayo dalka Turkiga ayaa daba socota booqasho  bishii April ee sannadkan ku tagay Boqortooyada Sacuudiga Madaxweynaha dalka Turkiga Rajeb Tayib Erdogan, waxaana soo hagaagaya xiriirka labada dal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -