Allbanaadir.com
NEWS

Meydadka ragii shalay weerarka ka geestay Muqdisho oo wali yaala goobtii lagu dilay

Warar aan ka heleyno magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in meydadka dagaalyahanadii shalay weerarka ka geestay meel ku dhaw xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ay yaalaan goobihii lagu dilay.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in meydadka afar dagaalyahan wali yaalaan agagaarka Isgooska Ceel Gaabta oo shalay lagu dilay, waxaana meydadka oo la is dul saaray dusha laga saaray joodari.

Wali lama oga sababaha ay dowlada goobtaasi uga qaadin meydadka dagaalyahanadan ay dishay, waxaana xusid mudan in goobta ay yaalaan meydadka ay yihiin halka ay maraan Madaxda dowlada marka ay aadayaan ama ka yimaanayaan garoonka  Aadan Cadde.

Dowlada Soomaaliya ayaa horey looga bartay in meydadka dagaalyahanada ay disho ay qaado kuna sameyso baaritaan, hasa ahaatee meydadka ragan shalay la dilay ayaa ilaa hada yaala goob wado ah.

Ciidamada amaanka ayaa shalay ka hortagay weerar Al Shabaab la damacsanaayeen xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxa ayna dileen ciidamada afar kamid ah Shabaabkii weerarka soo qaaday halka mid kalana uu is qarxiyay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo Racfaan ka qaatay Xukunkii ay riday Maxkamadda G/Banaadir

Cabdi Cade

Ganacsatada gobolka Banaadir oo ka hor yimid qoraal kasoo baxay Duqa Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Al Shabaab oo goob fagaare ah ku toogatay Daa’uud Aadan Muumin

Cabdi Cade
Taboola Ads ---