Al Shabaab oo goob fagaare ah ku toogatay Daa’uud Aadan Muumin

Fagaare kuyaala deeqaanka Buq-aqable ee gobolka Hiiraan ayaa lagu toogtay Daa’uud Aadan Muumin oo lagu helay dambi ah in uu dil u geestay nin kale oo lagu magacaabayay Daa’uud Qeyleey.

Maxkamada Al Shabaab ee gobolka Hiiraan ayaa xukun dil ah ku riday ninkan kadib markii ehelada ninka la dilay ay ka biyo diideen in ay qaataan diyo, waxa ayna codsadeen in ninka gacan ku dhiiglaha ah loo qisaaso.

Dadweyne badan ayaa isugu yimid fagaaraha deegaanka buq-aqable ee xukunka dilka ah lagu fulinayay, waxaa sidoo kale fagaarahaasi ku sugnaa saraakiil iyo dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa deegaanada ay ka taliso waxaa ka jira maxkamado iyaga u gaar ah, waxaana xukuno dil ah Al Shabaab ku fuliyaan dadka dilalka geesta iyo sidoo kale dadka ay dambiyo kale kusoo oogaan.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -