Kulan Muqdisho ugu soo gebageboobay Madaxdii hore ee dalka (Maxaa ka soo baxay)

Qaar ka mid ah hogaanka sare ee Madasha Xisbiyada Qaran oo sadexdii cisho ee ina dhaaftay kulan ku lahaa Decale Hotel ee magaalada Muqdisho ayaa isla gorfeeyay arimaha siyaasadda ee Soomaaliya iyo marxaladda kala guurka ah ee uu dalku galay.

Kulankan oo uu hogaaminayay madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran mudane Sharif Sheikh Ahmed, qeybna uu ka ahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka “UPD” mudane Hassan Sheikh Mohamud ayaa ujeedkiisu ahaa maareynta marxaladda xasaasiga ah ee dalku marayo.

Waxaana intii uu socday kulanka ay hogaanka sare ee Madasha Xisbiyada Qaran la tashiyo la sameeyeen masuuliyiin ka tirsan Madasha oo dalka dabiddiisa ku maqan, qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada, waxgaradka iyo dhaqanka Soomaaliyeed sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madasha.

Gabogabada kulankan sadexda cisho u socday hogaanka sare ee Madasha Xisbiyada Qaran ayaa lagu shaaciyay in ay lagama maarmaan tahay in doorashada dalka ay xilligeeda ku qabsoonto, lagana wada heshiiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -