Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaaraha magacaaban oo gurigiisa ku booqday Ra’isul Wasaare Rooble (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa booqasho iyo salaan ugu tagay Ra’iisul Wasaaraha xukuunadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble .

Rooble ayaana Ra’iisul Wasaaraha cusub ee magacaaban Xamsa Barre u rajeeyay in Eebbe la garab galo mas’uuliyadda qaran ee loo igmaday .

Ra’isul wasaaraha magacaaban ayaa la filaa in dhawwaan baarlamaanka la horgeeyo si codka kalsoonida u siiyaan ama ugu diidaan, waxaana Ra’isul wasaaraha marka la meel mariyo la filaa in xilka la wareego soona dhiso xukuumad cusub.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa wada dedaalo ay codka kalsoonida ugu raadineyso Ra’isul wasaaraha magacaaban oo xubin muhiim ah ka ahaa xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh.

Related posts

Gudoomiye Tuulax oo sheegay in Haweeneydii isku qarxisay xarunta Gobolka loo fududeeyay

Cabdi Cade

Dowlado ka hadlay isku daygii dil uu ka badbaaday Madaxweyne Xasan

Cabdi Cade

Itoobiya: “Arday ka badan 8 milyan ayaa Waxbarashada ka tagay”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---