Dowlada Eritrea oo bilowday qabqabshada dhalinyarada sida qasabka ah loo askareynayo

Dowlada Eritrea ayaa xoojisay abaabulka ciidan iyo baadigoobka ragga diiday inay ku biiraan ciidanka, iyadoo uu sii xoogeysanayo dagaalka ka socda gobolka Tigray ee waqooyiga dalka Itoobiya.

Talaabadan ayaa ah kii ugu darneyd abid, iyadoo xitaa laga tegin dumarka, lana xirayo hooyooyin iyo aabbeyaal badan oo da’ ah, si ay ugu qasbaan carruurtooda inay is dhiibaan, kuwaas oo ku jira dhuumaaleysi, iyagoo ka baqaya in askar loo qorto si qasab.

Maaddaama qaar badan ay iska dhego-tireen baaqyada ah inay iska diiwaan geliyaan ciidanka, waxaa la xoojiyay isku soo uruurinta dadka, Waxaa sidoo kale la xiray xaasas kaddib markii ay ragoodii isku dayeen inay ka fogaadaan in ciidan laga qoro.

Baro Kontrol ayaa la soo dhigay waddooyinka waaweyn, waxaana howlgallo baahsan ay ka socdaan magaalooyinka iyo tuulooyinka.

Qabqabsho xoog leh oo ka dhan ah dhalinyarada ayaa ka socota waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Asmara, halka aagagga miyiga ah ay mas’uuliyiintu hareereeyeen guryaha dadka, isla markaana ay kala wareegeen lo’dii ay dhaqanayeen, halka ay dhibaateynayaan ehelada, haddii la waayo qof la baadi-goobayay.

Bishii la soo dhaafay, wasiirka warfaafinta Yemane Gebremeskel, ayaa sheegay in “tiro yar” oo  ciidamada keydka ah loo yeeray, isagoo beeniyay in dadweynaha oo dhan la abaabulay.

Dagaalkan oo socday ku dhowaad labo sano ayaa saameeyay gobollada xudduudda ee Tigray, waxayna dadka wax falanqeeya ku tilmaameen mid uu dhiig badan ku daatay marka loo eego colaadda Ukraine. Balse warbaahintu ma soo warin iyadoo dowladaha Itoobiya iyo Eritrea ay si weyn u xaddideen safarka, halka inta badan la jaray khadadka isgaarsiinta ee gobolka Tigray.

- Advertisement -