Xog ku saabsan shaqsiga loo badinayo in loo magacaabo Raisul Wasaaraha Somalia

Madaxweynaha Somalia Xassan Shiikh Maxamuud ayaa wada la tashiyadii ugu dambeeyey ee la xiriira magacaabida RW cusub ee Somalia.

Xassan Shiikh ayaa xalay ilaa maanta kulamo kala duwan la lahaa siyaasiyiin kala duwan iyo madaxda maamul goboleedyada qaarkood

Warar allbanaadir Online ay ka heshay ilo kalsoon yahay oo ku dhow Villa Somalia ayaa sheegaya iney u badan tahay in Madaxweyne Xassan Shiikh uu xilka raisul wasaaraha u magacaabo Hamza Barre oo ah siyaasi ka soo jeeda Jubbaland oo ka dhashay beesha Ogaadeen.

Hamza Barre ayaa ka tirsanaa xubnaha xisbiga UPD ee uu hogaamiyo Xassan Shiikh, isagoo ah sidoo kale xildhibaan ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya.

Xassan Shiikh oo cashar ka bartay raisul wasaareyaashii uu magacaabay muddo xileedkiisii hore ayaa Hamsa Barre ku xushay inuu yahay shaqsi ay wada shaqeyn badan dhexmartay oo uu garanayo sida wararku sheegayaan.

Hamza Barre waxaa uu ku sugan yahay madaxtooyada dalka Lamana oga in Madaxweynaha Federaalka ah uu ku dhawaaqayo caawa xilka wasiirka Koowaad ee xukuumada Federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale Madaxda Puntland iyo Jubaland ayaa maanta ka dhoofey magaalada Muqdisho kadib markii habeenkii xalay kulamo isdaba joog ah la qaateen Madaxweyne dowlada Federaalka Soomaaliya.

- Advertisement -