Allbanaadir.com
NEWS

Kenya oo ciidamo booliis ah u dirtay Dal ka baxsan Qaarada Afrika oo amni darro ka jirto

Dowladda Kenya ayaa ciidamo booliis nabbad ilaalin ah qeybtii ugu horreysay u dirtay dalka xasaradaha ka jiraan ee Haiti , ciidankan ayaana loogu tala galay in ay soo celiyaan xasilloonida dalkaasi oo faraha ka baxday .

Diyaarada Kenya Airways ayaa magaalada Nairobi ka qaaday ilaa 400-askari oo si gaar ah u tababaran, ciidankan caalamiga ah ayaa ka degay dalka Haiti oo ay dhawaan si rasmi ah uga howl geli doonaan.

Ciidamada Kenya ayaana la geyn doonaa xarumo kuyaalla caasimadda dalka Haiti, waxa ayna ciidankan gacan siin doonaan ciidamada dalkaasi oo dagaal kula jira kooxo burcad ah oo awood badan ku leh dalkaasi.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay qaraar ku dhawaad kun askari oo katirsan booliiska dalka Kenya lagu geynayo dalka Haiti, kuwaa oo la doonayo in ay gacan ka geestaan soo celinta xasilloonida dalkaasi xaalkiisa sii xumaaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo Soomaaliya ugu deeqay $150 Malyan iyo Dowladda oo ka mahadcelisay

Cabdi Cade

Musharax oo si weyn uga hor yimid Guddiga Doorashada uu R/W Rooble shaaciyay

Cabdi Cade

Jadwal cusub oo loo sameeyey xiliga ay soconeyso doorashada xubnaha Golaha shacabka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---