Allbanaadir.com
NEWS

Ma doonan laheyd haddii laguu soo bandhigo shaqo noocan ah?

Saraakiisha dowladda Sri-lanka ayaa sheegaya inay raadinayaan qof ay u qortaan inuu qabto shaqada deldelaadda dadka la dilayo, ka dib markii uu dalku muddo ka hor joojiyey ciqaabta dilka.

Sarkaal xabsiga ka tirsan ayaa sheegay in la xayeysiin doono shaqadaas deldelaadda dadka ah todobaadkan gudihiisa.

Srilanka laguma dilin qof maxbuus ah tan iyo 1976.

Arbacadii ayuu madaxweyne Maithripala Sirisena ku dhawaaqay in qolyaha daroogada kala gudbiya la dili doono, halkii lagu xukumi lahaa xabsi daa’in.

Srilanka waxay si rasmi ah u shaqaaleysiisaa qof dadka dila, laakinse tan iyo 2014, dhamaanba seddexdii nin ee dadka dili jiray ayaa shaqadoodii si degdeg ah uga ruqsaystay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
  

Related posts

Qorshaha lagu canshuurayo lacagaha Telfoonnada laga diro oo la diiday

Cabdi Cade

Rooble iyo Madax kale oo Salaada Janaasada ku dukuday Meydka Xildhibaan Aamina (Sawirro)

Cabdi Cade

Xaafad ku taalla Qarka Buuraha oo dad badan soo jiidatay (Daawo Sawirrada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---