Xildhibaan loo magacaabay gudoomiyaha degmo ka tirsan Magaalada Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa xilka ka qaaday Rowdo  Colaad oo aheyd Guddoomiyihii degmada Waaberi ka dib wareegto uu soo saaray.

Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale u magacaabay gudoomiyaha cusub ee degmada Waaberi Mahad Cilmi Cali oo ka tirsanaa Xildhibanada Baarlamanka dowlad goboleedka Galmudug.

Mahad ayaa ka soo jeeda degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, Waana nin dhalinyaro ah.

Gudoomiyeyaashii uu degmooyinka gobolka Banaadir u magacaabay Thaabit Cabdi Maxamed duqii hore ee Muqdisho ayaa waxaa ku socda xil qaadis gaabis ah.

Dhowaan ayey aheyd markii xilka laga qaaday gudoomiyihii degmada Hodan, iyadoo degmadaas loo magacaabay gudoomiye kale, waxaana Waaberi  ay noqotay degmadii labaad ee uu saameeyo isbedelka ku socda maamulada degmooyinka Muqdisho oo la sheegay inuu salka ku hayo fulinta balan-qaadyo siyaasadeed oo horey loogu sameeyey xildhibaano ka tirsan baarlamanka federaalka oo taageeray ololihii lagu riday Jawaari.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
  

- Advertisement -