Waa maxey Nidaamka doorashada mideysan ee shirka golaha wadatashiga looga hadlay?

Kadib doorashadii dalka ka dhacday bartamihii bishii May ee sannadkaan, shirkii ugu horreeyay ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa Muqdisho ku qabsoomay 11-12/06/2022, waxaana laga soo saaray war-murtiyeed 7 qodob ka kooban.

Qodobka 3aad ee war-murtiyeedka ayaa u qornaa: Golohu waxuu isla meel-dhigay in la helo nidaam doorasho oo mideysan iyo doorasho dimuquraadi ah oo dalka ka dhacda.

Qodobkaan oo u baahan faham dheer ayaa ka kooban laba qeybood oo kala madax bannaan, oo kala ah ā€œnidaam dooraho oo mideysan iyo doorasho dimu-quraadi ah oo dalka ka dhacdaā€

Doorasho dimu-quraadi ah oo dalka ka dhacda

Dadka Soomaaliyeed aad ayey baahi ugu qabaan doorasho dimuquraadi ah oo dalka ka dhacda, waxaana ku xiran horumarka aan hiigsaneyno. Inkasta oo aan ku faanno xoogaa yar oo nabad ku wareejin xilka marka doorasho dhaco ah, hadana ma heysanno dimuquraadiyad sax ah sababtuna waxay tahay dhammaan doorashooyinkii dalka kasoo dhacay waxay salka ku hayeen boob, eex iyo musuq-maasuq. Mar hoggaamiye kooxeed ayaa xildhibaannada ay doonayaan soo qoranayay, mar urur diimeed, mar oday dhaqameed, markii laga soo gudbaynya madax dowlad gobaleed iyo dadyow kale oo awood loo siiyay in cidda ay doonayaan ay soo xulaan.

Sidoo kale doorashada ka dhacda dowlad gobaleedyada ayaan badankeed dimuquraadi aheyn, waxaana hadba sida ay doonaan u jeheeya qolada markaas awoodda u leh hadii ay ahaan laheyd dowlad federal oo cidda ay la dooneysa soo saarta ama awood dowladda federaalka ka baxsan oo iyana doonisteeda ku saleysa.

Si taas looga gudbo oo qof kasta uu ugu tartami si xor ah, sida ku cad qodobka 22aad ee dastuurka qabyada ah, waxaa muhiim ah in la helo nidaam doorasho oo dimuquradi ah, waana taas sababta ay goluhu ugu xuseen war-murtiyeedkooda.

Nidaam doorasho oo mideysan

Qeybta ugu muhiimsan ee qodobkaan, una baahan in si qota dheer looga hadlo si faham dheeraad ah looga helo ayaa ah ā€œnidaam doorasho oo mideysanā€

Wixii ka dambeeyay horraantii qarnigaan 21aad ee dib loo yagleelay dowladnimadeenna, waxaa mar waliba la qaadayay tillaabooyin lagu horumarinayo shaqada heyā€™ada dowladeed, si kasta oo gaabis u jirana, mar kasta tillaabo ayaa horay loo qaadayay.

Sannadkii 2,000 waxaa dowlad KMG ah naloogu dhisay dalka Jabuuti, 2004, Kenya ayaa lagu soo dhisay dowladii xigtay, 2009 Jabuuti ayaa mar kale dowlad lagu soo dhisay, 2012, Muqdisho ayaa lagu qabtay doorashadii ugu horreysay burburkii kadib, waxaana yeellanay dastuur qabyo ah, Kumeel gaarkiina waa ka baxnay.

Horumarkii jiray horay ayaa loo sii qaaday, waxaana hana qaaday nidaamka fedeaalka ee aan qaadannay, doorasho dadban ayaa la qabtay 2016 xildhibaannada waxaa lagu soo doortay xarumaha dowlad gobaleedyada, 2021/2 sidoo kale doorashadii dadbaneyd oo lasii horumarinayay oo deegaannada iyo tirada cod bixiyaasha la badiyay ayaa qabsoontay.

Sidaas oo ay tahay wali waxaa jirta baahi weyn oo loo qabo horumarinta hannaanka doorashada dalka, gaar ahaan waxaa xallin u baahan mideynta xilliga xil heynta madaxda dowlad gobaleedyada, mideynta xilliyada doorashada madaxda dowlad gobaleedyada iyo tan ugu dambeysa oo ah mideynta guud ahaan xilli doorashadeedka dalka, si looga baaqsado doorashooyinka xilliyada kala duwan dalka ka dhaca ee dhaqaalaha, waqtiga iyo dadaalka dheeraadka ahi ay ku baxaan.

Mideynta Xilliga xil-heynta madaxda dowlad gobaleedyada

Guud ahaan muddada xil heynta baarlamaannada iyo madaxweynayaasha dowlad gobaleedyada waa 4 sano marka laga tago dowlad gobaleedka Puntiland oo iyadu gaar la ah mudda xileed 5 sano ah. Inkasta oo aan warbaahinta lala wadaagin, ilo ku dhaw shirka ayaa xaqiijiyay in dood adag laga yeeshay is-haleeshiisiinta mudda xileedka. Sida caadiga ahna maalin, labo ama sedax, shir ama dhowr shir qaddiyadaha sidaan u waaweyn goā€™aan loogama gaari karo.

Mideynta Xilliga doorashada madaxda iyo baarlamaannada dowlad gobaleedyada

Ā Waxaa kale oo caqabad jirta ah in doorashada dowlad gobaleedyada ay dhacdo xilliya kala duwan sababo la xariira xilliyadii ay dhismeen oo kala duwan iyo joogteyn laā€™aanta ilaalinta xilliga xil heynta marka laga tago Puntiland oo iyadu ah dowlad gobaleed xilli dheer jiray oo salka u dhigay xilli dooraho la isla oggolyahay oo aan laga gudbi karin.Ā  Sida aan xogta ku heyno hirka wadatashiga qaranka, ayaa looga hadlay arrintaan.

Mideynta Xilliga doorahada madaxda dowlad gobaleedyada iyo dowladda Federaalka

Ā Tan ugu dambeysa, uguna muhiimsan ayaa ah in dalku uu yeesho hal waqti doorasho, taas oo ah hiigsiga qodobka sedaxaad ee war-murtiyeedka ee khuseeyayĀ  helidda nidaam doorasho oo mideysan iyo doorasho dimuquraadi ah oo dalka ka dhacda.

Falanqeeyayaashu waxay leeyihiin helidda nidaam doorasho oo mideysan waxay u baahantahay waqti dheer iyo in lagu caddeeyo dastuurka qabyada ah ee dhammeystirkiisa lagu howlanyahay, maadaama ay u baahantahay heshiis siyaasadeed, mana fududa sida loo dhaqan geli karo mudda xilkeedka dowladda hadda bisha uun jirta hase yeeshee waxaa laga dhigi karaa ajanda qaran oo si wanaagsan looga sii shaqeeyo ilaa guul laga gaarayo.

Gunaanad iyo talo soo jeedin

Ka hadalka nimaad doorasho oo mideysan ma aha wax looga maarmi karo qormo ama labo maadaama ay tahay mowduuc weyn oo hadda uun bilaw ah, waxaana lagama maarmaan ah in fasiraad dheeraad ah bulshadu ka hesho gunta hoose ee nidaamka doorashada mideysan ee golaha wadatashiga qaranku ay ka hadleen.

Si fasiraadaas loo baahanyahay loo helana waxaa muhiim ah in doodo waaweyn laga furo, suā€™aalana laga weydiiyo dhinacyada ay khuseyso. Warbaahinta oo ah indhaha bulshada ayey tahay inay dowrkaan qaadato.

Abdifitah Hashi Nur

Nuurbiin78@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -