Xeer ilaaliyaha Qaranka oo ka hadlay kufsi gabdho yar-yar loogu geystay Afgooye

Xeer ilaaliyaha Qaranka Suleymaan Maxamed ayaa ka hadlay kufsi maalmo ka hor loogu geystay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose labo gabdhood oo da’doodu ka yar tahay shan sano kaasoo qeybaha bulshada ay si weyn u cambaareeyeen.

Gabdhahan yar yar ahaa hadda jiifa isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho halkaasoo looga daweynayo dhibaatooyin culus oo ka soo gaaray kufsiga arxan darada ah ee lagula kacay.

Xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa sheegay iney si dhow ula socdaan baaritaanka kiiskan ayna sharciga horkeeni doonaan cid kasta oo dembigaas uu ku cadaado, marka la soo gebagebeeyo dad la tuhunsan yahay oo kiiskan u xiran.

Hoos ka akhriso qoraal uu soo saaray xeer ilaaliyaha Qaranka

Waxa Xafiiska Xeer-ilaalinta qaranka soo gaaray falal dambiyeed kufsi ah oo ka kala dhacay degmooyinka Afgooye iyo Ballanbale. Kufsigaan oo loo gaystay gabdho aad u yar-yar ayaa Xafiiska Xeer-ilaalintu waxa uu si joogta ah u hagi doonaa baaritaannada la xiriira eedaysanayaasha lagu tuhunsan yahay inay raad ku leeyihiin dhacdooyinkaas.

Laamaha baarista ee dawladda, iyadoo mar waliba uu korjoogtayn doono Xafiiska Xeer-ilaalinta qaranka, waxa la faray inay baaraan dhammaan caddaymaha, xogta iyo raadka kiisaskan ilaa inta laga gun-gaaraayo gal-dacwadeed dhamaystiran si maxkamadda loo horgeeyo eedaysanayaasha fal dambiyeedka kor ku xusan.

Dhab ahaantii, kufsigu waa fal arxar-darro ah oo aan meelna kaga jirin dhaqanka Soomaalinimada iyo Islaannimada ee suubban. Xeer-ilaalinta qaranka waxa ballan ku ah mar waliba iyo meel waliba in sharciga la horkeeno eedaysane waliba oo lagu eedeeyo fal dambiyeed kasta gaar ahaan kufsiga ciddii lagu helana la mariyo caddaalada ay mudan yihiin.

Shacabka Soomaaliyeed waxaan ku boorinayaa guud ahaan, gaar ahaan cid waliba oo ka war hesha ama xog ka haysa kiisaska noocyadiisa kala duwen in ay lasoo wadaagaan laamaha caddaalada ayna kala shaqeeyaan dawlada sidii loo dhawri lahaa amniga iyo samaqabka shacabka gaar ahaan dumarka iyo caruurta.

DHAMMAAD

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -