Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo maanta ka furmaya xarunta Madaxtooyada Soomaaliya

Waxaa maanta lagu wadaa in xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya uu ka furmo shirkii ugu horeeyay oo ay isugu yimaadaan golaha Wadatashiga Qaran tan iyo markii la doortay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirkan golaha wadatashiga Qaran oo ay ka qeybgalayaan madaxda dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa waxaa shir guddoomin doona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Sida aan wararka ku heleyno shirkan ayaa looga hadli doonaa xaalada amni ee dalka ,abaaaraha iyo sidii wadashaqeyn dhaw u yeelan lahaayeen dowladda cusub iyo dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Madaxda dowlad goboleedyada dhammaantood ayaa ku sugan magaalada Muqdisho kuwaa oo u yimid caleemo saarka Madaxweynaha, mana aheyn shirkan maanta furmaya mid horey loo sii iclaamiyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -