Allbanaadir.com
NEWS

Rooble oo codsi u diray Shacabka Muqdisho Amarna siiyay ciidamada booliiska

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shacabka Muqdisho ka codsaday in ay u dulqaataan xirnaanshaha jidadka caasimadda inta ay socoto munaasabadda caleemasaarka madaxweynaha maadaama ay dalka imaanayaan madax iyo wufuud heer sare ah.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray Taliska Booliska in ay diyaariyaan gaadiid goobaha caafimaadka lagu geeyo dadka ay la soo darsaan xaaladaha caafimaad inta ay jidadku xiran yihiin.

Caleemo saarka Madaxweynaha Soomaaliya oo beri ka dhaceysa magaalada Muqdisho ayaa waxaa kasoo qeyb galaya madaxweynayaal, wasiiro iyo wafuud kale oo caalami ah.

Ciidamada ammaanka ayaa la filayaa saacadaha soo socda in ay xiraan wadooyin badan oo kuyaalla magaalada Muqdisho ayna hakiyaan isku socodka dadka iyo gaadiidka.

https://www.youtube.com/watch?v=9dmw8Q9UnFA

Related posts

Xildhibaanada Hirshabeelle oo goor dhow cod u qaaday Golaha Wasiirada Maamulkaas

Caydiid Ali

Madaxweyne Erdogan oo niyada u qaboojiyay Finland Niyad jab cusubna ku riday Sweden

Cabdi Cade

Baadigoob xoogan oo loogu jiro nin toorey ku dhaawacay Haweeney Yahuud ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---