Allbanaadir.com
NEWS

Guddoomiyaha Ururka ONLF iyo xubno la socda oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray guddoomiyaha Ururka ONLF Cabdiraxmaan Maadeey iyo xubno dhoor ah oo katirsan ururkaasi, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Wasiirka Amniga iyo masuuliyiin kale.

Guddoomiyaha ururka ONLF oo horey dowladdii Madaxweyne Farmaajo ugu aqoonsatay argagaxiso ayaa magaalada Muqdisho ku yimid casuumad rasmi ah uu ka helay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Xubnahan ka socda Ururka ONLF ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb galaan caleemo saarka Madaxweynaha Soomaaliya ee lagu wado beri oo khamiis ah in ay ka dhacdo teendhada afisiyooni ee magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaraya wafuud kala duwan oo ka kala socota qaar kamid ah waddamada caalamka kuwaa oo lagu martiqaaday kasoo qeyb galka caleemo saarka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=6YvkXjBI3a4&t=121s

Related posts

Qarax Khasaaro geestay oo caawa ka dhacay Baydhabo iyo faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Qaybta 2 aad :-Maxay aheyd riyadii rumowday ee isagoo yar la tusay Nabi Yuusuf CS?

admin

Ra’isul Wasaare Xamse oo dhagax dhigay dhismaha xarunta Garsoorka dalka (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---