Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xafiiska Ra’isul Wasaare Rooble (Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta Xafiiskiisa ku booqday Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Axmed Madoobe iyo Ra’isul Wasaare Rooble ayaa kulan gaar ah ay yeesheen uga wada hadlay xaalada guud ee dalka iyo xaflada caleemo saarka ah ee beri lagu wado in ay ka dhacdo magaalada Muqdisho.

Kulanka ay yeesheen Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya iyo Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale looga hadlay xaalada abaaraha gaar ahaan abaaraha ku dhuftay deegaano katirsan Jubbaland oo dad badan u dhinteen.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale la filayaa in kulamo la yeesho madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo masuuliyiin kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=6YvkXjBI3a4&t=121s

Related posts

Caqabad soo wajahday Sixitaanka imtixaanka dugsiyada sare ee Puntland

Caydiid Ali

Tigrey oo lagu eedeeyay in ay qeyb ka yihiin dagaalka sukeeye ee ka socda Sudan

Cabdi Cade

Guddoonka Aqalka Sare oo yeeshay kulan ay dhoor arrimood uga hadleen (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---