Soomaaligii 3aad oo 24 saac gudahood lagu dilay Magaalada Cape Town

Ali Mohamed Hassan (Balaakii) oo ka mid ahaa ganacsade Soomaali ah ayaa lagu dilay degaanka Nyanga oo ka tirsan Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.

Burcad hubeysan ayaa allaha u naxariistee Ali Mohamed Hasan (Blaki) si bareer ah u toogtay, isagoo ku dhex jiray Gaarigiisa Rootiga uu ku wareejin jiray sida ay sheegeen dadkii ugu horeeyay ee goobta gurmad ahaan u tagay

Burcadda ayaa goobta isaga baxsaday, mana jirin wax dhac ah oo ay u gaysteen gaarigiisa iyo waxyaabihii kale ee uu watay.

Ciidamo ka tirsan booliska oo gaaray goobta lagu dilay muwaadinka soomaaliyeed ayaa bilaabay howlgal iyo baaritaan cidii ka dambeeysay dilka allah ha u naxariistee Ali Mohamed Hasan (Blakii) oo ahaa geeri ay aad uga wada gariireen Jaaliyadda Soomaaliyeed.

Waa qofkii 3aad ee Soomaali ah oo 48 saac ee la soo dhaafay lagu dilay magaalada Cape town.

Xalay fiidkii ayey aheyd markii burcad hubeysan ay toogasho ku dileen Cabdirashiid Axmed Shiiq Muxudiin iyo Mowliid Axmed Cadde oo dukaamo ku lahaa xaafada Ndabazabantu ee magalada Cape town.

Afhayeenka booliiska Joseph Swartboi ayaa xaqiijiyay toogashadii xalay loo geystay muwadiniinta Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay inaan wali cidna loo soo qaban.

- Advertisement -