Allbanaadir.com
NEWS

Villa Soomaaliya oo War kasoo saartay Safarka Madaxweynaha ku tagay Garawe (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran waxaa ugu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne Ku-xigeenkiisa Mudane Axmed Cilmi Karaash, Wasiirro iyo Xildhibaanno Heer Dowlad-goboleed ah iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee Puntland ayaa ku qotoma u kuur-galidda xaaladda abaaraha deegaannada Puntland, dardargelinta dib-u-heshiisiinta, xoojinta wadashaqeynta heer federaal iyo heer dowlad-goboleed iyo dhageysiga talooyinka la xiriira dowladnimada ee ay qabaan bulshada Puntland, taas oo aas-aas u ah hiigsiga Madaxweynaha ee Soomaali Heshiis ah.

Madaxweyne Xasan ayaa kulammo la qaadanaya Madaxda Dowlad-goboleedka Puntland, waxgaradka, isimada, ganacsatada, dhallinyarada, haweenka iyo culimada, si uu u dul istaago xaaladda bulshada Puntland, baahiyaha ay qabaan, doorkooda horumarineed ee dalka iyo hirgelinta dowladnimada.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Abshir Cumar Huruuse iyo Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Qaranka Mudane Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari), Lataliyaasha Madaxweynaha ee Arrimaha, Federaalka Mudane Axmed Cabbaas Axmed, Dastuurka Mudane Cabduraxmaan Cabdullaahi Baadiyow, Lataliyaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Arrimaha Dib u heshiisiinta Mudane Cali Cabdi Awaare iyo Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan.

Related posts

Diyaaradaha Dagaalka Maraykanka oo loo daabulayo Qatar, kadib, Xayiraadii Imaaraadka

Cabdi Cade

Dowladaha Britain iyo Kenya oo kala saxiixday heshiis ka dhan ah Al-Shabaab

Caydiid Ali

(Sawirro) Labo Dayuuradood oo Muqdisho ka qaaday Ciidan qaab beeleed u abaabulan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---