Madaxweyne Xasan Sheekh oo beeniyay Warar si weyn loo hadal hayay

Waxaa maalmihii lasoo dhaafay si weyn loo hadal hayay warar sheegayay in dowladda cusub uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ka shaqeeneyso sidii meesha looga saari lahaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed Laftagreen oo si weyn ula safnaa Farmaajo.

Warkan ayaana walaac xooggan ku abuuray Madaxweynaha Koonfur Galbeed oon hada heesan taageero shacab iyo mid dowladeed, waxaana bilowday guux ku aadan weerarka siyaasadeed ee ku wajahan Laftagareen.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ka hadlay munaasabad loogu dhigay Baydhabo ayaa beeniyay wararkan la baahiyay ee ku aadan in duullaan ku yihiin maamul goboleedyada gaar ahaan maamulka Koonfur Galbeed.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh sheegay in maamulkiisa ay ka jirto Nabad iyo xasilooni,waxa uuna cadeeyay in dowladiisa iyo maamul goboleedyada uu xiriirkoodu wanaagsanaan doono .

Madaxweynaha ayaa sheegay in xilligan aysan jirin abaabul iyo Colaad ay dowladda Soomaaliya la damacsan tahay Maamulka Koonfur Galbeed, waxa uuna madaxda iyo shacabka maamulkaasi ugu baaqay in ay midoobaan .

Madaxda Dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa xilligan wajahaya cabsi ay ka qabaan duullaan siyaasadeed oo kaga yimaada dhinaca Villa Soomaaliya iyada oo loo beegsanayo taageeradii Madaxweyne Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -