Kulan Saddex geesood ah oo dhexmaray Madaxdii hore ee Somalia (Sawirro)

Madaxweyneyaashii hore ee dalka Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah gurigiisa magaalada Muqdisho kula yeeshay Madaxweynihii hore ee Dalka Mudane Cali Mahdi Maxamed.

Qoraal ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa looga hadlay kulankaas, kaasoo u qornaa sidatan

Seddexda Madaxweyne ayaa salaan iyo is xog wareysi kadib waxay si’ qotta dheer uga hadleen baahida loo qabo in lala yimaad dadaal samata bixineed oo ku aaddan Xaaladda uu Dalka ku jira sida lagu sheegay

Waxaa si’ gaar ah looga hadlay Doorashooyinka oo weli mugdi ku jiro, hannaanka loo marayo iyo kala aragti duwanaashaha baahsan ee ku aaddan arrimahaas iyo curdinnimada hannaanka dowladnimo ee Dalka.

Waxaa leysla soo qaaday Arrimahaan aan soo sheegnay oo keeni kara dhibaato ku timaado habsami u socodka dowladnimo iyo Geeddi socodka Nabadda Soomaaliya taasoo u baahan in laga hor tago, lana helo talo mideysan oo lagu waajaho arrintaas si looga baaqsado qataraha soo wajihi kara markale Qaranimada Soomaaliya.

Waxyaabaha sida gaarka ah uga wada hadleen Madaxweyneyaasha waxaa ka mid ahaa inuu mira dhalo shirka u socda Beesha Mudullood, waxaana la dhiirra geliyey in shirarka nuucaas ah oo bulshadu uga tashaneyso aayaheeda la xoojiyo lana gaarsiiyo heer Qaran.

Baahida loo qabo dib u heshiisiin dalka ka dhacda guud ahaan si’ Umadda Soomaaliyeed markale uga tashaadaan aayahooda gaar ahaan arrimaha taagan oo kamid yihiin doorashooyinka, sidaasoo kale waxaa lagu falanqeeyey shirarka beesha Muddullood uga socda Muqdisho iyo in baahi loo qabo in la dhiirri geliyo habsami u socodkiisa ayna gaaraan heer Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -