Waddooyin hor leh oo kuyaalla Muqdisho oo dhagxaan lagu xiray (Daawo Sawirada)

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa rajo weyn ka qabay in dowladda cusub uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh dhagxaanta shubka ah ka qaado waddooyin badan oo kuyaalla caasimada, hasa ahaatee dhagxaan ayaa lagu jaray waddooyin horey u furnaa.

Dhagxaan shub ah ayaa lagu jaray jidad kuyaalla xaafada Banaadir gaar ahaan waddo isku xirta isbitaalka Banaadir iyo isbitaalka lagu magacaabo Xaawo Cabdi, wadadan ayaana aheyd mid si weyn dadka iyo gaadiidka u adeegsan jireen.

Shacabka ayaa kusoo baraarugay waddooyinkan oo horey u furnaa oo dhagxaan lagu jaray, waxaana darawalada mooto bajaajta iyo gaadiidka oo waddooyinkan isticmaali jiray ku adkaatay in halkaasi ka gudbaan maadaama dhagxaan lasoo dhigay.

Waddooyinkan la xiray ayaa ahaa kuwa soo gala isbitaalo dhoor ah oo kuyaalla aadag Banaadir, waxa ayna tallaabadan wadadan lagu xiray dhib hor leh ku tahay bukaano badan oo isbitaaladaasi soo aadi jiary.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo taliyaha cusub ee NISA Mahad Salaad ayaa horey dowladdii Farmaajo ugu eedeyn jiray in shacabka waddooyinkan dhagxaan uga xireen, iyagoona ku baaqi jiray in jidadka loo furo shacabka dhibaateesan.

Shacabka magaalada Muqdisho ayaana hada ka niyad jabay in loo furo waddooyinkii horey u xirnaa, waxa ayna ka cabsi qabaan in dowladdan cusub mar kale dhagxaan kusii xirto waddooyin horey u furnaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -