Kulankii Golaha shacabka oo saakay Mar kale baaqday iyo Sababta keentay

Waxaa saakay mar kale la baajiyay kulanka Xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya la filayay in ay yeeshaan , kadib markii Gudoonka Golaha shacabka ka cabsadeen in kulanka uu buuq hareeyo ama kooramka buuxsami waayo.

Xildhibaanada ayaa xalay xili dambe loo diray fariin loogu sheegayay in kulanka maanta uu baaqday, mana sheegin gudoonka sababta ay maanta u baajiyeen kulanka la filayay in ay yeeshaan Xildhibaanada golaha shacabka.

Sida aan Wararka ku heleyno Gudoonka golaha shacabka oo cadaadis kala kulmaya Xukuumada ayaa diiday in ajandaha kulanka kusoo daraan amaanka , waxa ayna Gudoonka wali ku adkeesanayaan ajandaha in uu yahay kii hore loo shaaciyay.

Xildhibaano badan ayaa doonaya in ajandaha kulanka  laga dhigo arimaha amaanka, hasa ahaatee waxaa taasi kasoo horjeeda Xildhibaanada Xukuumada taageersan oo kulankii hore kulanka aan imaan si kulanka uusan u furmin.

Kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka oo isbuucii hore madaxweynaha Soomaaliya daah furay ayaa u muuqday mid ku bilowday qaab caajis ah maadaama kulankii labaad uu baaqday, waxaana shaki la galinayaa sida uu u shaqeeyo Gudoonka golaha shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -