Wararkii Ugu Dambeeyay kulan Fool ka fool ah oo dhax maray Siciid Deni iyo Axmed Karaash

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shalay dib ugu laabtay magaalada Garawe ee caasimadda maamulka Puntland uu ka maqnaa muddooyinkii lasoo dhaafay.

Siciid Deni iyo kuxigeenkiisa Axmed Karaash ayaa waxaa soo kala dhax galay khilaaf xoogan intii ay socotay ololaha doorashadii Madaxweynaha ee dhammaatay, waxaana Axmed Karaash shaaciyay in isagu la wareegay awoodda iyo talada Puntland.

Khilaafka labada masuul ayaa horey looga gaaray xal horu dhac ah, waxaana xalay xarunta Madaxtooyadda Garawe kulan lagu dhameestiray xalka laga gaaray khilaafkii taagnaa yeeshay Madaxweyne Deni iyo kuxigeenkiisa Axmed Karaash.

Kulankan ayaana ahaa mid meesha looga saarayay khilaafkii u dhaxeeyay labada masuul iyo sidii ay waajibaadkooda shaqo u wada gudan lahaayeen iyaga oo wadajira hal dhinacna wax iskula wada.

Qodobada ay ku heshiiyeen Axmed Karaash iyo Deni ayaa waxaa kamid ah in meesha laga saaro xil ka qaadistii Axmed Karaash ku sameeyay wasiiro ku dhawaa Madaxweyne Deni sidoo kale la qaato qaar kamid ah agaasimayaal cusub uu magacaabay Karaash.

Khilaafka u dhaxeeyay Madaxweynaha Puntland iyo kuxigeenkiisa ayaa laga cabsi qabay in meel xun gaaro marka Siciid Deni Garawe ku laabto, hasa ahaatee dadaalo la sameeyay ayaa horseeday in xal laga gaaro khilaafka labada masuul u dhaxeeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -