Shiikh Aadan Madoobe oo la kulmay Boqor Cusmaan Aw-Max’uud Buurmadow (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)  ayaa maanta Hoygiisa ku qaabilay Boqorka beelaha Soomaaliland Boqor Cusmaan Aw-Maxamuud  Buurmadow.

Boqor Buur-Madow  ayaa ugu yimid Shiikh Aadan Madoobe salaan iyo is xog-wareysi ku  saabsan xaalada dalka uu maraayo gaar ahaan kaalinta dhaqanka ay ku leeyihiin dowladnimada dalkenna.

Boqorka oo marka hore u hambalyeeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in duubabka dhaqanka si gaar ah ahmiyad u siiyaan Baarlamaanka, si uu dalka u gaaro nabad iyo wadajir.

Guddoomiye Shiikh Aadan Madoobe oo Boqorka ugu mahad celiyay booqashadiisa, ku aaddan doorka lagama maar-maanka ah ee dhaqanka ay ku leeyihiin midnimadda iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, waxaana uu xusay in dhaqanka uu u-dub dhaxaad u yahay aas-aaska dowladnimadda iyo jiritaanka  ummadeed.

- Advertisement -