Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ergayga Madaxweynaha u qaabilsan gurmadka abaaraha oo shaqadiisa bilaabay (Sawirro)

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Bani-aadan-nimada iyo gurmadka abaaraha ee Soomaaliya ayaa la kulmay Guddiga Gurmadka Abaaraha.

Guddiga Gurmadka Abaaraha, ayaa soo bandhigay xogaha la xariira abaaraha iyo saamaynta ay ku yeesheen guud ahaaan dalka.

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Bani-aadannimada iyo gurmadka abaaraha ee Soomaaliya, ayaa u mahad celiyey guddiga isagoo ugu baaqay in ay wadashaqayn buuxda yeelan doonaan, si dalka looga samatabixiyo abaaraha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame Ergeyga Gaarka ah ee u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Soomaaliya, kaddib markii uu qiimeeyay baaxadda iyo culeyska xilligan adag ay dadka Soomaaliyeed kala kulmayaan Abaaraha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dab xooggan oo caawa qabsaday xarunta dembi baarista Booliska Muqdisho ee CID

Caydiid Ali

DEG DEG: Qaraxyo isxigay oo goor dhow laga maqlay xaafado ka mid ah Muqdisho

Caydiid Ali

Baarlamaanka dalka Turkiga oo meel mariyay mooshin quseeya Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---