Baarlamaanka dalka Turkiga oo meel mariyay mooshin quseeya Soomaaliya

Baarlamaanka dalka Turkiga ayaa meel mariyay mooshin ay geeyeen Xildhibaano katirsan baarlamaanka dalkaasi oo quseeyay in mudada loo kordhiyo Ciidamada Turkiga ee jooga Gacanka Cadmeed, Soomaaliya iyo Badda Carabta.

Ciidamada badda Turkiga oo wata maraakiib kala duwan ayaa ku sugan biyaha Soomaaliya qeybo kamid ah, waxa ayna ciidamadan kamid yihiin kuwa loo geeyay halkaasi la dagaalanka burcad badeeda Soomaaliya iyo ilaalinta maraakiibta bganacsi.

Baarlamaanka Turkiga ayaana u codeeyay in mudo kordhin kale loo sameeyo ciidankooda jooga Gacanka Cadmeed, Soomaaliya iyo Badda Carabta si halkaasi uga sii wadaan howlgalka markii hore loo geeyay.

Ciidamada badda dalka Turkiga ayaa ka howlgalay Gacanka Cadmeed, oo u dhow Yemen sidoo kalena u dhow marinka Bab al-Mandab sanadkii 2008-dii, waxaana ciidankaasi 13-jeer loo sameeyay muddo kordhin .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -