Dab xooggan oo caawa qabsaday xarunta dembi baarista Booliska Muqdisho ee CID

Dab xoogan ayaa caawa qabsaday xarunta dembi baarista Booliska (CID) oo ku taalla nawaaxiga isgoyska Km4 ee magaalada Muqdisho.

Wararka aya sheegaya in dabkan oo aan la ogeyn sababta dhalisay uu khasaare xoog leh u geystay qeybo ka mid ah xaruntaas gaar ahaan qeybta sawirada looga qaado dadka xaruntaas loogu sameeyo dukumentiyada iyo maqaahi ku dhex tiilay xaruntaas.

Gaadiidka dab demiska ee maamulka gobolka Banaadir oo gaaray halkaas ayaa ku howlan dabka qabsaday qeybo xaruntaas oo sida wararku nagu soo gaarayaan holac iyo qiiq fara badan uu ka baxayo.

Ciidamada amaanka ayaa xiray wadada isku xirta km4 iyo Zoope ee hor marta xarunta CID, iyagoo halkaas ka joojiyey socodka gaadiidka dadweynaha, iyagoo ka cabsi qaba in falal amni daro ay ka dhacaan goobta inta dabku socdo.

La soco wixii soo kordha

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -